Advertisements

Maalintii labaad ee Shirweynaha Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo oo khubad ka jeediyay.

Shirka amnigaWaxaa maalintii labaad ka socoanaya magaalada Muqdisho shirweynaha “Somali Partnership Forum”, waxaana shirka wajigiisa labaad ee maanta diirada lagu saarayaaa, Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bani’aadanimada iyo qodobo kale.

Shirka amniga.jpg1Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay horumaradii ay gaartay dowladdiisa lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaa uu sheegay inay horumar ka sameeyeen arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday inay dowladdiisa xoogga saari doonto hirgelinta Federaalka, iyo sidii doorasho qabsoonta sanadka 2020.

Waxaa uu ugu baaqay dalalka iskaashiga la leh Soomaaliya inay maalgashi ku sameystaan dalka.

Kulanka ayaa lagu wadaa ugu danbeyntii in uu soo gabagabeeyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa xilligan khudbado ka jeedinaya wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay halka uu marayo geeddi socodka dib u eegista Dastuurka

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: