Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta kala saxiixday heshiis taariikhi ah waxaana goob-joog ka ahaa munaasabada heshiiskan lagu saxiixay Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Hishiiskan, ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyaddoona uu goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.
Dhanka Mareykanka waxaa joogay ku xigeenka USAID ee Qaarada Afrika Julie Koenen iyo Safiirka Mareykanka Martin Dale.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyey taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Kadib heshiis horumarineed oo ay kala saxiixdeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda USAID kaasoo ku kacaya lacag dhan 300 Milyan oo Dollar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay taageeradooda aan shuruudu ku xirnayn.
“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan ayna gaari doonto dalka oo dhan.
“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan leenahay hay’ado shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan waana barnaamijkan lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda.
Heshiiskan ayaa dhigaya in dowladda Soomaaliya laga taageero, Maamulka, Waxbarashada, Kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.
Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah.
“Dowladda Mareykanka, waxaa ay aad u taageereysaa dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xasiloonida, dowlad wanaagga, kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashada” sidaa waxaa yiri Julie Koenen.
“ Waxaan rumeysanay in heshiiskan uu ka tarjumayo sida ay nooga go’an tahay garab istaagista sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd iyo in la helo hadaf horumarineed oo fog” sidaasi waxaa yiri Martin Dale.
Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in maanta uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.