Advertisements

Shirka wadamada Bariga Afrika oo lagu soo gaba gabeeyay Jabuuti.

jabuutiMagaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir ay ka qeyb galeen qaar ka tirsan wadamada Bariga Africa, kaasi oo dalkaasi ka socday mudo Todobaad ah.

Shirkan ayaa wadamada ka qeyb galay waxaa ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Tanzania, Uganda, Yemen, Suudaan, Itoobiya iyo wadamo kale oo ka tirsan Bariga Afrika, waxaana dhinacyadii ka qeyb galay ay isla meel dhigeen qodobo dhowr ah.

Mahdi Yuusuf Cumar oo la Taliye u ah wasiirka Garsoorka Jabuuti oo VOA-da uga waramay waxyaabihii looga hadlay shirkan ayaa wuxuu sheegay shirkan in si gaar ah diirada loogu saaray xoojinta iskaashiga wadamada Bariga Africa, ka hortagga Argagixisada iyo qodobo kale.

Wuxuu sheegay xubnihii ka qeyb galay shirkan in si gaar ah ay u falanqeeyeen arrimaha Argagixisada, waxayna qireen in Argagixisada ay tahay awood jirta, loona baahan yahay sidii looga hortagi lahaa.

Shirkan ayaa noqonaya shirkii labaad oo markale lagu qabto dalka Jabuuti, waxaana uu yahay mid mudo kadib lagu qabto wadan ka mid ah wadamada Africa.

SomaliSwiss      Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: