Madaxweyne Farmaajo oo maanta Shir guddoominayey kulanka Golaha Amniga Qaranka

shirka Golaha Amniga.jpgMadaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’addaha amniga ee heer Federaal iyo heer goboleed iyo mideynta qorsheyaasha ka dhanka ah Al-shabaab.

shirka Golaha Amniga.jpg1Taliyayaasha ciidamada Qalabka Sida ee qaybta ka ahaa shirkan ayaa iyaguna Madaxda Qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo xogta ku saabsan howlgallada socda ee dalka.

Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, ra’iisal wasaare ku-xigeenka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada dowladda Federaalka, Taliyayaasha ciidamada Qalabka Sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: