Madaxweyne Farmaajo oo maanta Shir guddoominayey kulanka Golaha Amniga Qaranka

shirka Golaha Amniga.jpgMadaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’addaha amniga ee heer Federaal iyo heer goboleed iyo mideynta qorsheyaasha ka dhanka ah Al-shabaab. Continue reading

Xuuthiyiinta ka dagaalama Yeman oo sheegay in Madaxweynahii hore ee Yeman ay ku dileen.

Cali SaalaxWar kasoo baxay waaxda Arrimaha Gudaha u qaabilsan Xuuthiyiinta ka dagaalama Yeman ayaa sheegaya in Madaxweynahii hore ee Yeman Cali Abdalle Saalax ay ku dileen qarax  gurigiisa ay ugu xireen. Continue reading

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya oo maanta Magaalada Muqdisho ku soo dhoweysay Qaar ka mid ah Ciyaartoyda Gobollada.

ciyaartoy.png1.pngWasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Marwo khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan ku-xigeenadeeda ayaa maanta ku soo dhoweysay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ciyaartowda Dowlad Goboleedyada jubbaland iyo Puntland oo ka mid ah Ciyaartowda Maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya tartanka Ciyaaraha maamul Goboleedyada ee 7-da bishan ka furmaya magaalada Muqdisho. Continue reading

Shirka wadamada Bariga Afrika oo lagu soo gaba gabeeyay Jabuuti.

jabuutiMagaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir ay ka qeyb galeen qaar ka tirsan wadamada Bariga Africa, kaasi oo dalkaasi ka socday mudo Todobaad ah. Continue reading

%d bloggers like this: