Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo maanta daah furay diiwaangalinta ciidamada xoogga dalka.

Mush-haarka Ciidamada.jpg1Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta daah furay diiwaangalinta ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horeysay Askari walba mushaarkiisa uu ku qaadan doono Account u  gaarka ah.

Mush-haarka CiidamadaArintan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxaa ay tahay in laga maarmok habkii hore ee kaashka gacanta laga siin jiray ciidamada.

Wasiirka Maaliyadda Dr.  C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay haddii tilaabadan  si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqondoonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mishaar joogta ah.

Mush-haarka Ciidamada.jpg2Diiwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada.

Ciidamada xoogga dalka ayaan mushaarkooda si toos ah u helin waxayna ciidamada helaan dhowrkii bilood mar hase yeeshee lama oga sida ay suurtogal u noqon doonta in askar ku jira furimaha ama meelaha ka fogfog magaalooyinka ay ugu qaadan karaan mushaarkooda Account Bank.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: