Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa mar kale ku wargalisay mas’uuliyiinta dowladda in aysan wadan karin tiro ka badan Afar ilaalo ah oo ku hubeysan Qoriga AK47ka.
Waxaa uu sheegay in dhowr bilood awaamiirta ay bixiyeen ay shaqeysan laakiin maalmihii ugu danbeeyay la arkayay in mas’uuliyiinta dowladda iska fududeysteen Amarka Wasaaradda.
‘’Hadda waxaa arkeysaa in tiro ka badan Afar Ilaalo ah ay wataan mas’uuliyiinta dowladda, taasoo baalmarsan Awaamiirtii aan horay u soo saarnay ayuu yiri’’ Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya
Waxaa uu sheegay in xubnaha gollaha wasiirada, xildhibaannada labada Aqal iyo guud ahaan mas’uuliyiinta dowladda wasaaraddu ku wargalineyso in ay ku shaqeeyaan Awaamiirtii horey loo saaray si ayuu yiri Wasiirka looga sugo Amniga Caasimada.
Wasiirka ayaa sidoo kale diginiinno ka soo saaray wararka been abuurka ah ee Amniga lagu qalqalgelinayo iyo kuwo loogu gafayo sida uu hadalka u sheegay madaxda dowladda, isagoo xusay talaabo laga qaadayo dadka falkaasi ku kaca.
SomaliSwiss       Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.