Wafdi uu Horkacayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo gaaray Degmada Xudur ee G/Bakool.

M. RoobowSheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo 13kii Augusto isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya horayna uga tirsanaa saraakiishii sar sare ee Ururka Al-shabaab ayaa dib ugu laabtay degmada Xudur oo ah halka markii hore uu iska soo dhiibay.

Roobow waxaa socdaalkiisa degmada Xudur ku soo wehlinaya mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Soomaaliya, waxaana degmada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool.

Lama oga ujeedada socdaalka Rooboow ee degmada Xudur, balse deegaaanno aan wax badan ka fogeyn degmada waxaa ku sugan maleeshiyaadkii isaga daacada u ahaa ee horay uga tirsanaa Al-shabaab oo laga yaabo in uu la kulmo.

Mukhtaar Rooboow oo mar soo noqday ku-xigeenka hogaamiyaha Al-shabaab ayaa hadda ka mid ah mas’uuliyiinta sidda weyn uga soo horjeeda falalka Ururkan oo uu warbaahinta ka cabaareeyay.

SomaliSwiss     Hudur

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: