Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa la kulmay Madaxweynaha Seychelles Danny Faure, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal u dhaxeeya.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Seychelles uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmay, isla markaana xusay inuu ku faraxsan yahay inuu qaabilo wafdi ka socda Soomaaliya.
āMadaxweynaha Seychelles wuxuu inoo sheegay inuu ku faraxsan yahay wafdi Soomaaliya ka socda oo heerkan ahi uu dalkiisa soo booqdo, waxaa uu ii sheegay in weerarrada burcad badeedku dhib weyn u geysteen Seychelles hadda ka hor, laakiin aanay jirin wax cuqdad ah oo ay Dowladda iyo shacabka Seychelles ay qabaan, Sababtana waxaa uu ku tilmaamay in uu fahamsan yahay xaaladda uu dalku ku sugnaa 2008 oo ah xilli ay burcadbadeeddu ay aad u dhiirranaydāayuu yiri Wasiir Yuusuf Garaad.
Mudane Yuusuf Garaad ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Seychelles is bedeladdii u dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya iyo hormarka dowladda ka sameyneyso dhinaca maamulka iyo dhismaha heyāadaha dowladda.
āWaxaan isla qirnay sida loogu baahan yahay in ay labada dowladood iska kaashadaan sugidda amniga dhanka Galbeed ee Badweynta India oo ah badda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Seychelles. Madaxweynuhu wuxuu xusay in nabadgelyadu aanay ahayn berriga keliya ee biyaha badda loo baahan yahay in si nabadgelyo leh looga faaāiideystoāayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Seychelles, sidii Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa.
Wasiirku wuxuu sheegay in uu sidoo kale la kulmay Sii hayaha Xeer Ilaaliyada Seychelles, isla markaana ay ka wada hadleen suurta galnimada in Qareen Soomaaliyeed oo u doodo lix eedeysan ee Soomaalida ah, marka dacwadooda la qaadayo.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Seychelles
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.