Madaxwaynihii Hore ee dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa maanta loo dhaariyay mar kale xilka madaxyenimo ee dalkaasi, kadib markii uu mar labaad ku guuleystay doorashadii kuceliska aheyd ee dalkaasi ka dhacday.
Madaxweyne Kenyatta waxaa uu wacad ku maray in uu xallin doono kala qaybsanaanta ka dib markii xilka madaxwaynanimada loo dhaariyay markii labaad,xaflad ay qaadaceen mucaardka.
Khudbad uu jeediyay ka dib caleem saarka oo ka dhacday caasimadda Nairobi,waxa uu sheegay in uu la shaqayn doono qaar ka mid ah fikradaha mucaaradka iyada oo la eegayo wadajirka.
Balse meelo ka mid ah caasimada waxaa isku dhacay taageerayaasah mucaaradka iyo booliiska.
Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo qaadacay doorashadii ku celiska ahayd bishii aanu soo dhaafnay,ayaa ku tilmaamay xafladda “boqor isku caano shubay”.
Mr Kenyatta ayaa dib loo doortay 26 October ,waxa uuna helay 98% codadkii la dhiibtay,doorasho ay u soo baxeen 39%.
Doorashadii la qabtay 8 August ayaa waxa waxba kama jiraan ka soo qaaday maxkamada ugu sareysa iyada oo loo cuskanayo wax isdba marin dhacday.
Dad boqol kun ku dhow ayaa ka qeybgalay caleemo-saarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo qaada 60 kun, halka 40 kun kale ay dhalooyin banaanka la suray ka daawanayeen.
Illaa 20 madaxda adduunka ah ayaa kasoo qeybgalay caleemo saarka.
Ciidammada Kenya ee kala duwan ayaa gaado ka ciyaar kusoo bandhigay goobta.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.