Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo xalay loogu sameeyey xarunta Dowladda Hoose Xaflad sagootin ah.

Wafdi Jabuuti.jpg2Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu horkacayo oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa xalay loogu sameeyey xarunta Dowladda Hoose ee Xamar Xaflad sagootin ah.

Wafdi Jabuuti.jpg1Munaasabada Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaaadir, waxaana ka qeyb-galay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Wasiiro, Xubnaha labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiinta sare ee gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa Guddoomiye Xumud iyo wafdigiisa mar kale ku soo dhaweeyay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wafdi JabuutiWasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka sheekeysay kaalinta dowladda Jabuuti ay ku lahayd dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumud oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahad celiyay maamulka gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale sheegay in shacabka labada magaalo ee Jabuuti iyo Muqdisho ay yihiin dad walaalo ah.

Wafdi Jabuuti.jpg3Prof Jawaari oo ka hadlay munaasabada ayaa dhiniciisa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan siddii uu dalku u noqon lahaa mid xasiloon.

Sidoo kale dhalinyarada waxa uu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan sidii talada dalka guud ahaan ay ula wareegi lahaayeen oo ay u muujin lahaayeen kaalintooda.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: