Wajigii labaad Wadahadal u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa maanta ka furmay dalka Jabuuti, iyadoo halkaa ay gaareen shalay mas’uuliyiinta labada dhinac.
Magaalada Jabuuti waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey, hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo xubno kale oo ka kala tirsan labada dhinac.
Dadka ka soo jeeda gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan waxa ay ka muujinayaan in shirkaasi ay ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo ku aadan wadahadalka labada dhinac.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu ula heshiin lahaa maamulka Ahlu Sunna oo ka arimiya deegaanno badan oo gobollada dhexe ah.
Hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa dhinaciisa sheegay in aysan marnaba diideen heshiis laga gaaro khilaafka labada garab, balse ay jiraan dad arrintaa ka oso horjeeda.
Dowladda federaalka ayaa marar badan oo hore ku guuldareysatay in ay mideyso labada maamul, hasse ahaatee waxaa hadda muuqata in ay soo faragaliyeen Ururo caalami ah oo ka shaqeynaya siddii loo dhameyn lahaa khilaafka mudada dheer soo jiray ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna.
Shirkan ayaa la rajeynayaa in laga gaaro is faham ah in maamulka Galmudug ay ku soo biiraan ururka Ahlu Sunna kuwaasoo gacanta ku haya magaalo madaxda Maamulka Galmudug ee Dhuusa-mareeb.
SomaliSwiss      Jabuuti
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.