Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta galabtii u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo Talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay in ay ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Magaalada Nairobi ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray madax ka socota caalamka kuwaasoo ka qeybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo dhaarinayo madaxtinimada dalka Kenya.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.