Advertisements

Tabarbar soconaaya sedex maalmood oo loo qabtay Shaqaalaha Wasaarada Amniga Gudaha.

Tabar shaqaaleTabarbar soconaaya mudo sedex maalmood ayaa loo  qabtay Shaqaalaha Wasaarada Amniga Gudaha iyadoo  ay daah fureen Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Gudaha  C/naasir Saciid Muuse iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga Mudane Yuusuf  Cali Maxamed .

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Guduha C/naasir Saciid Muuse ayaa  timlmaay in tababrkaan uu muhiim u yahay wasaarada maadaamada ay tahay mid ka mid ah Wasaaradaha ugu Shaqada badan.

Tababarkan ayaa waxaa loo furay 35 ruux oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Amniga oo ay ku jiraan Agaasime waxeedyadda Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga Guddaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay tababarkan lagu baran doono Shuruucda Wasaaradda iyo sida shaqaalaha Wasaaradda Amniga ula dhaqmi lahaayeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dardar gelin doonaan balanqaadkii Ra’isul Wasaare Kheyre ee ahaa in la sameeyo isla Xisaabtan dhab ah si shaqada Wasaaradda ay u noqoto mid ku socoto qaabkii loogu tala gaalay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: