Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga tababarka ciidamada booliiska ee Jenaaral Kaahiye 600 oo dhalinyaro si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Dhalinyarradii uu la hadlay waxaa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan ciidamada xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku boogaadinayo dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka Al-shabaab ay ku hayaan shacabka iyo ga’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka.
“Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka,isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro,wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa Ururka Al-shabaab ee dhibaatada iyo gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.