Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey qaraxii argagixisada ay ka geysteen dalka Masar, gaar ahaa masaajidul Rowdah oo ku yaalla waqooyiga magaalada Siinaay ee dalkaasi.
Qaraxa weerarkaasi oo ay ku dhinteen 235 ruux, ayna ku dhaawacmeen 109 qof, kuwaasi oo dhammaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan ahaa.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, wuxuuna dadka dhintay uu Alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg ku Bogsiiyo. .
“Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka Masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay masar,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.