Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo maanta ka qeybgalay kulanka xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Cusub.png2Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane oo maanta ka qeybgalay kulanka xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliyeed, halkaa oo uu khudbad la xiiriirta wada shaqeyntaka jeediyey doono.

Guddoomiyaha ayaa shalay socdaal ku tagay magaalada Baledweyne oo ay joogaan ciidamada dalka Jabuuti,waxaana socdaalka Baledweyne ku weheliyay guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

Khudbadda uu maanta ka horjeedin doono xildhibaanada golaha shacabka guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu ku soo hadal qaado xariirka ka dhaxeeya labada baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidoo kale taageerada dowladda Jabuuti ay la garabtaagan tahay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: