Mr. Emmerson Mnangagwa oo maanta loo dhaariyey Madaxweynaha cusub ee dalka Zimbabwe.

ZIMBABWE POLITICSMr. Emmerson Mnangagwa ayaa maanta loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee dalka Zimbabwe, taasi oo soo gebe gebeysay 37 sano oo xukun kalitalisnimo ah oo uu dalka ku maamulayey Robert Mugabe.

Shantii bishan November ayaa Mnangagwa waxaa laga ceyiriey xilkiisa madaxweyne ku xigeennimo xilli isaga iyo xaaska Mugabe ay ku loolamayeen cidda bedeleysa Mugabe.

Laba toddobaad kadib ayaa siyaasigaas 75 jirka ah waxaa maanta lagu hordhaariyey 60 kun oo qof oo yimid garoonka cayaaraha qaranka ee Harare.

Ninkan oo loo yaqaan Yaxaaska ayaa waxa uu xiriir dhow la leeyahay ciidamada Zimbabwe, waxaana caqabada uu wajahayo ka mid ah dib u dhiska dhaqaalaha dalkaas oo ay burburiyeen afartan sano oo xukunka Mugabe ah.

Madaxweynihii hore ee dalkaas Robert Mugabe iyo xaaskiisa Grace Mugabe ayaa waxaa loo damaanad qaaday xasaanad ka hor istaageysa in dacwado lagu soo oogo.

SomaliSwiss         Harare

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: