Ciidanka Xoogga Dalka oo maanta ka Xureeyay Al-shabaab degaan hoos taga Degmada Marko.

Dagaalka CXDSCiidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Maleyshiyada Al-shabaab ka Xureeyay Degaan lagu magacabo Abiikarow oo Hoos taga Degmada Marko ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka CXDS.jpg1Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Degaanka Abiikarow ka weeraray labo Jiho Halkaasi oo ay ku sugnayeen Maleyshiyaad ka Tirsan Nabadiidka Al-shabaab

Howlgalka Al-shabaab looga Saaray Degaanka Abiikarow ayaa waxaa Fuliyay Ciidamada Ururka 26-Aad Ee Guutada Sadexaad Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Amisom ee ka Howlgala Shabellaha Hoose

Talyaha Ururka 26-Aad Ee Guutada Sadexaad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyed G/Sare Xasan Maxamed Abukar oo la Hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay Cadowga Al-shabaab ka Xureeyeen Degaanka Hoos Yimaada Degmada Marko ee Gobolka Shabellaha Hoose

G/Sare Xasan Maxamed Abukar waxa uu Tilmaamay in Degaanka Abiikarow ay Al-shabaab ku Gumaadi jireen Dadka ku dhaqan Halkaasi

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Gobolada Dalka Soomaaliya ka Wada Howlgalo Dalka looga Xureynayo Maleyshiyada Al-shabaab

SomaliSwiss           Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: