Gudoomiyaha baarlmanka dalka Jabuuti Max’ed Cali Xumad Mudane ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halkaa oo ay si diiran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamanka dalka Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.
Sida uu gudoomiyuhu u sheegay warbaahinta, mudada uu joogo Muqdisho ayuu kulamo la qaadan doona madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in uu ka qeybgali doono kulanka baarlamanka ee maalinta sabtida ah qabsoomi doona.
Waxa uu sidoo kale sheegay in gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ay ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya baarlamannada labada dal.
Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu gudoomiyaha baarlamanka Jabuuti ku yimaado Muqdisho tan iyo intii uu xilkaasi qabtay.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.