Advertisements

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul-Wasaare Kheyre oo maanta u amba baxay magaalada Baydhabo ee Maamulka K/G Soomaaliya.

Ra'iisal-wasaare BaraaweRa’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay,waxaana si weyn u soo dhaweeyay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ah u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo oo kulan gaar ah uu la yeelan doono iyo waxgaradka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmaya madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi.

SomaliSwiss     Muqdisho/Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: