Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Madaxweynaha loo doortay maamulka Somaliland.

FarmaajoMadaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha loo doortay maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’addaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorada u dhcday, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan sida uu hadalka u dhigay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen, waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, Olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.”

“Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa in aan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey dowlada federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Alle u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: