Advertisements

Dowladda Mareykanka oo kordhisay howlgalka ciidamadeeda jooga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Argaxisada Soomaaliya.

Ciidamada USADowladda Mareykanka ayaa kordhisay howlgalkeeda iyo ciidamada ka jooga  Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda Daacish ee ku sugan gobollada Bari ee Soomaaliya.

Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee joogga Soomaaliya la gaarsiiyay Meeshii ugu sareysay .

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ciidamada dowladda Mareykanka howlgalada ay ka fuliyaan Soomaaliya in ay noqdeen kuwo badankood guuleystay.

Waxaa ay sheegtay in ku dhawaad 500 oo askari la gaarsiiyay sanadkaan Ciidamadeeda howlgallada gaarka ah ka fuliya Soomaaliya.

War laga soo xigtay wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu balaariyay Qorshaha dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah ee ku sugan Geeska Africa.

Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya, waxaana xusid mudan in bishaan ay fulisay in ka badan 5 weerar saddex ka mid ah ay dhaceen 24 saac gudahooda.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka Kooxda Daacish ee ku sugan degaanada maamulka Puntland iyo Al-Shabaab.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: