Advertisements

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo maanta Xildhibaannad Baarlamaanka u gudbiyay a faah faahin ku saabsan misaaniyada sanadkan 2018ka.

Wasiirka MaaliyaddaWasiirka Wasaaradda maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbiyay xildhibaannada faah faahin ku saabsan misaaniyada sanadkan 2018ka iyo deeqa ay dowladdu heyshay iyo kuwa la filayo intaba.

Miisaaniyadda 2017-ka waxaa ay aheyd $245.9 Milyan, laakiin waxaa muuqata in miisaaniyada sanadkan wax xoggaa isbadal ah lagu sameeyay.

Wadarta Miisaaniyadda La Qoon-deeyay:

Dowladda ayaa si ay u meelmariso hawlaha u qorsheysan sanad miisaaniyadeedka ka bilaabanaya 1-da Janaayo 2018 kuna dhamaada 31, December 2018 ayaa sida hoos ku qoran loo qoondeeyay dakhliga khasanadda iyo lacagaha kale ee dowladda, sida lagu qeexay jadwal-kan.

Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan:

(A) Kharash-ka joogtada ah: US$ 260,171,727

(B) Kharashka Raasumaalka: US$ 14,458,464

Wadarta Guud: US$ 274,630,191

Haddaba Haddii ay timaado hoos u dhac kharashaadka ah, waxaa mudnaanta la siin-doonaa:

Raashiinka iyo Gunnooyinka ciidamada qalabka sida

Khidmadda maaliyaddu ku shaqeyso (Banka iyo Gobolka)

Mushaarooyinka/Gunooyinka shaqaalaha rayidka ah

Gunnada Xildhibaannada iyo G/Wasiirada

Mushaaraadka iyo Gunnooyinka gashibaxa ku jira ee ka soo wareegay sanadkii hore

Adeegga iyo Agabka xafiisyada dowladda qaranka iyo gobollada

Gashibaxa alaabta iyo qaamaha la hormarsaday

Qeybta Laga Qaadayo Canshuurta shaqaalaha dowladda

0-200 dadka dakhligooda yahay waa 0 ama waxba lagama rabo.

201-800: waxaa laga rabaa: 6%

801-1,500 waxaa laga qaadayaa: 12%

1501 iyo wixii ka sareeyay: 18%

Canshuuraha kale:

Noocyada Tobacco: $6 iyo midda magaadka $4, Sigaarka royal iyo Sports: $22, sigaar Benson $24.

Qaadka: 2.5 per kg

Bansiin iyo Gaas: $56.25, Naafto MT $50.00, Fuusto Bansiin: $12.50 iyo Fuusto Naafto, Gaas: $11.25 Canshuuraha soo degayaasha iyo dhoofayaasha: $30

Canshuurta Hotellada Muqdisho: 5% adeegga ay bixiyaan. Canshuurta iibka isgaarsiinta, Korontada iyo Biyaha: dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, korontada iyo biyaha waxaa waajib ah in ay bixiyaan canshuurta iibka sida tacrifada ku cad jaantuska hoose

Isgaarsiinta: 15%, Korontada: 5%, Biyaha: 5% iyo Internetka iyo TVyada: 5%

Deeqaha ay Dowladda fileyso:

Dowladda Turkiga oo sanadka laga helay 28,,105,332 waxaa laga filayaa sanadka 2018-da illaa 20,000,000

Dalka Sacuudiga oo sanadkan waxba aan bixin sida miisaaniyadda ku qoran waxaa laga filayaa sanadka 2018-dda illaa 32,360,000,

Dalka Qatar waxaa sanadkan ay bixiyeen 10,000,000 isla 10-kaas Milyan ayaa laga filayaa sanadka soo socda.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: