Maxkamada sare ee dalka Kenya oo ku dhawaaqday guushii doorasho ee Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda kenyaMaxkamada sare ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay dacwadii ka dhan aheyd natiijadii doorashadii ku celiska aheyd ee uu mar kale ku guuleystay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda kenya.jpg1Lixda Garsoore ee dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay laalida guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Ku dhawaaqidda go’aankan ayaa waxaa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo Todobaadka soo socda.

Maxkamadda oo la unkay Sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday guushii doorashadii Agosto dalkaasi ka dhacday.

Laaakiin Kenyatta ayeey neef farxadi ka soo booday kaddib markii ay maxkamadu ogolaatay guushiisa.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: