Dowladda Jabuti oo ugu deeqday Hal Milyen oo Dollar ah, dadkii ku waxyeeloobay dhibaatadii ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

DeeqDowladda Jabuuti ayaa ugu deeqday lacag dhan 1 Milyen oo Dollar ah oo ugu talagashey dadkii ku waxyeeloobay dhibaatadii 14kii October ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Deeq.jpg1Deeqdan ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka, taasi oo cadadeedu dhan 1 Milyen oo Dollar.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in wareejinta deeqdaasi lacageed ay goob joog ka ahaayeen  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxaana Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo lacagtaasi ku wareejiyay guddiga gurmadka Qaran uu sheegay in ay tahay lacag ay iska soo uruuriyeen shacabka reer Jabuuti oo ka dambqaday walaalohoodi dhibaataysan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu ku hadlay magaca guddiga ayaa sheegay in ay guddoomeen deeqdaasi lacageed islamarkaana lagu taakulayn doono dadkii musiibadaasi saameysay kana mahadceliyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladihii ugu horeyeey oo gar gaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir gurmad ahba u soo direy Soomaaliya maalimo kadib markii uu dhacay qarixii Soobe,kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: