Advertisements

Madaxweynaha Turkiga oo loo soo jeediyey raalli-gelin khaladkii ay gaashaanbuurta ka gashay.

ErdoganMadaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa diiday raalli-gelin kaga timid gaashaanbuurta Nato iyo dowladda Norway kadib markii isbuucii hore dhooletus ciidan oo ay NATO sameyneysay lagu shiis bartay masawirrada nadaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan  iyo aabaha dalkaasi Mustafa Kemal Atatürk.

Dhacdadan oo dhalisay khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay NATO iyo Turkiga ayaa waxaa ay dowladda Turkiga kala soo baxday 40 sarkaan oo dhooletuskaasi kaga qeyb galayay NATO.

Dhacdadan ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Stavanger ee dalka Norway, waxaana madaxada NATO Jens Stoltenberg oo sika fogeeyay arrintan uu sheegay in uu ka dambeeyay shaqaale norwiji ah oo lasoo kireystay islamarkaana aad wax lug ah ku laheyn howlaha NATO.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid meel ka dhac ku ah madaxda iyo qaranka Turkiga, waxaana uu sheegay in arrintan lagu xallin doonin oo keli “raalligelin”, waa sida uu hadalka u dhigaye.

SomaliSwiss        Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: