Baraha Bulshada ay ku wadda xiriirto ayaa saacadihii hore ee maanta lagu baahiyay in wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaalle Beylle isaga baxay shirkii gollaha wasiirada ee maanta.
Laakiin waxaa arrintan beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Wasaarrada Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo mar arintan su’aal laga weydiiyay sheegay in ay tahay arrin been abuur ah oo aan waxba ka jirin, isaga oo intaa raaciyay in Wasiiru shaqdo uga baxay shirka.
‘’ “Runtii warkaasi waa waxba kama jiraan, sidee wasiir uga baxayaa Shirka, Wasiirku Shaqso ayuu u socday Shaqo ayuu aaday, marka sidee loogu tuhmi karaa in uu shirka carro uga baxay’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta warbaahinta ku booriyay in ay iska hubiyaan wararka.
Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa imanaya kaddib markii saacadihii hore ee maanta warbaahinta qaar sheegeen in Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya isaga baxay shirkii gollaha wasiirrada ee maanta qabsoomay.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.