Sida la sheegay waxaa maanta Magaalada Baydhabo lagu qabanayaa shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, waana shirkoodii labaad ee meel ka baxsan caasimada Muqdisho ugu yeeshay sida Kismaayo iyo Baydhabo.
Sidoo kale Shirkan ayaa waxaa looga wadahadlayaa Ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta howlaha horyaalla xukuumadda, la dagaallanka Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabad-galyada.
Magaalada Baydhaba waxaa ka soconaya qaban qaabada shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay.
Shirkan ayaa wajigiisii hore ka dhacay 13-kii July ee Sanadkan 2017-ka Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamul Goboleedka Jubbaland, waxaana la filayaa in sidoo kale lagu qabto xarumaha kale ee dowlad gobolleedyada dalka sida Garoowe, Cadaado iyo Jowhar.
Somaliswiss   Baydhsbo
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.