Ra’iisal-wasaare Kheyre oo maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay u soo guuraan Xaruntoodda Baraawe.

Kheyre.jpg3Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre  ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in ay u soo guuraan magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka.

Mudane Khayre oo shalay booqasho ku tagay Baraawe ayaa sheegay ujeedada uu halkaa u tagay aheyd sidii loo dhiirgalein lahaa bulshada halkaa ku dhaqan iyo sidii loo dhagax dhigi lahaa ilaha muhiimka ah ee degmadaasi.

Ra’iisul-wasaaruhu wuxuu sheegay  in ay garab istaagayaan shacabka Koonfur Galbeed gaar ahaan reer Baraawe, wuxuuna tilmaamay in ay garab ka siinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu arkay sida bulshada ku dhaqan Baraawe uga go’an tahay is bar bar taaga dowladnimada isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dadka reer Baraawe in ay hellaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay.

Somaliswiss    Baraawe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: