Advertisements

Ra’iisal-wasaare Kheyre oo Caddeeyey inuusan jirin wax khilaaf siyaasadeed ah oo soo kala dhaxgalay asaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxda SareRa’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay ka qeybgallay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarrada Kacdoonka Nabada, ayaa sheegay in muddo 8 bilood ah oo ay wada shaqeynayeen madaxweyne Farmaajo waxba isku khilaafin taasoo uu ku tilmaamay taariikh cusub oo Soomaaliya ku soo korartay sida uu hadalka u dhigay.

“Muddo 8-dii bilood ee aan xafiiska joogay Aniga iyo Madaxweynaha marna isma khilaafin, wax muran ahna na soo dhaxgalin, waa taariikh ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Kheyre ayaa sheegay in horay shacabka Soomaaliyeed mar walba u maqli jireen khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhaxgallay madaxda ugu sareysa dalka, laakiin taa waqtigeedii laga soo gudbay.

Inkastoo ra’iisal wasaaraha uu Amaanay wada shaqeynta kala dhaxeysa madaxweynaha, haddana marka aad dib u milicsato taariikhda khilaafaadkii adkaa soo maray madaxda dowladdihii isaga danbeeyay dalka waxaa uu ahaa mid soo ifbixi jiray sanad iyo ka badan marka ay xafiiska wada joogaan, iyadoo mid walba oo ka mid ah madaxweynayaashii ka horeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddo Afar sanno ah yeeshay ugu yaraan saddex ra’iisal wasaare.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa mucaaradad xoogan oo uga imaneysa siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood, kuwaa oo ku dhaliilaya wax qabad la’aan iyo aysan fulin balaqaadyadii ay ku galleen olollaha doorasho madaxda ugu sareysa dalka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: