Advertisements

Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka oo maanta gaaray magaalada Baraawe ee G/Sh/Hoose.

Ra'iisal-wasaare Baraawe.jpg1Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha la xiriira arrimaha howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra'iisal-wasaare BaraaweMudane Kheyre waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo saacado ka hor halkaa gaaray.

Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa isna ka mid ahaa wafdiga gaaray Baraawe.

Ra'iisal-wasaare Baraawe.jpg2Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmi doona Saraakiisha ciidamada, maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwna ee bulshada, isagoo kala hadli doona howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada gobolka.

Al-shabaab ayaa ka hor tagista ra’iisal wasaaraha la sheegay in ay madaafiic ku gaaraaceen qeybo ka mid ah degmada.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: