Dr Maryan Qaasim oo iska casishay xilkii Wasiirnimo ee ay ka heysay Dowladda Soomaaliya.

Maryam iscasilaadWaxaa maanta xilkii wasiirka Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya iska casishay Dr Maryan Qaasim, iyadoo noqoneysa Wasiirkii labaad ee is casila muddo labo bil gudahood. HOOS KA DAAWO VIDEOWGA:

Wasiirrada ayaa la sheegay in ay is casilaadeeda u gudbisay wasaarrada islamarkaana ay dhawaan faah faahin doonto sababaha ay isku casishay.

Lama oga ilaa sababta ay isku casishay Wasiirada, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in maalmihii ugu danbeeyay uu jiray khilaaf ka dhashay Maareynta Masiibadii ka dhalatay Qaraxii Zoobe.

Laakiin Qoraal kooban oo ay soo dhigtay Bogga Twitter –ka ayeey ku sheegtay in ay shaqada uga tagtay daruufo iyada oo u gaar ah.

SomaliSwissĀ Ā  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: