Advertisements

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Daah-furtay Barnaamij shaqo loogu abuurayo dhalinyarada

Shaqo abuurisRa’iisul-wasaaraha   Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneeysa Bangiga Adduunka ayaa daah-furtay wareeggii 1-aad ee barnaamij maalgelin shaqo abuur ah.

Shaqo abuuris.jpg1Sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya (SBCF), ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta xafiiskaasi waxa uu wadaa qorshe lagu taageerayo 150-200 oo ganacsato Soomaali ah oo ka kala iman doona gobollada dalka.

Mashruucan ayay masuuliyiinta sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya sheegeen in qiyaastii 3,500 oo shaqo lagu abuuri doono, taasoo ay xuseen in 30% ay gaar u noqon doonto haweenka, ayagoo sheegay in shaqo abuurka laga sameeyn doono guud ahaan dalka.

“Kordhinta fursadaha shaqo waa rabitaanka hawsha Bangiga Aduunka” sidaas waxaa yiri Hugh Riddell, oo ah u qaybsanaha Bangiga Aduunka ee Soomaaliya. “Helitaanka maaliyadda waxay cadaynaysaa in si wax tar leh loo abuuro shaqo, kor loo qaado dakhliga canshuurta, dhiiri gelinta cadaaladda iyo kor u qaadista hal abuurka figradaha cusub” ayuu ku sii daray hadalkiisa.

Ujeeddada sanduuqa SBCF ayay masuuliyiintiisu sheegeen inuu maalgeliyo ganacsiga Soomaaliya si loo taageero kor u qaadista, kordhinta shaqada iyo horumarinta qaybaha muhiimka ah.

Sanduuqa SBCF ayaa khaas u ah ganacsiga, kaas oo ah in xoogga lagu saaro naqshadaynta figradaha hal abuurka ee cusub, wax soo saarka iyo suuqyo cusub oo gobolka ah.

Sidoo kale waxaa loogu tala galay xoojinta ganacsiga iyo adeegyada farsamada warshadaha si loo dhiso khibradda dhinacyada beeraha, xoolaha, tamarta iyo qaybaha kale.

Daah-furka barnaamijka waxaa ka soo qayb galay saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda FS, kuwaas oo ka kala socday xafiiska Raysal Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, iyo hawl wadeennada mashruuca fulinaya, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay dadka ganacsiga ku jira ee iyagu ku guulaystay lacagaha sanduuqaani bixinayo.

Mashruucan shaqo abuurka ah ayaa hadii uu hirgelo waxa uu fursad u noqon doonaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay dalka ku heeysato shaqo la’aanta iyo weliba dadka leh hal abuurka ganacsi ee awoodi waayay in ay helaan maalgelin.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: