Advertisements

Ra’iisal wasaaraha Somalia oo shaaca ka qaaday in dadka dowlad diidka ah iyo Al-shabaab waxba kuma kala duwana.

Kheyre.jpg1Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay ka qeybgallay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan marnaba dhaxdhaxaad laga noqon karin marxalada uu maanta dalku marayo.

Isaga oo la hadlayay dadkii ka soo qeybgalay munaasabada oo ay haweenka Soomaaliyeed ku muujinayeen sida ay u barbartaagan yihiin ciidamada qalabka sida ayuu sheegay ra’iisal wasaare Kheyre in dowladdu marnaba raali ka noqon doonin sida uu hadalka u dhigay dhaqamada Al-shabaab iyo dadka dowladda ka soo horjeeda.

“In lagu ciyaaro sharafta dadka Soomaaliyeed ma dhex dhexd bad ka noqoneysaan, in uu Al-shabaab nagu dhex noolaado ma dhex dhexad baad ka noqoneysan, in hooyooyinkeena la laayo ma dhex dhexad baad ka noqoneysaa , waa in aad ka soo baxdaan guryaha oo aad dagaalka ka qeyb gashaan si caruurteena ay Sharaf ugu noolaadaan ayuu yiri Kheyre”

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku darray in dadka ka soo horjeeda dowladda iyo Al-shabaab waxba ku kala duwaneyn, waxaana uu intaa raaciyay dhamaan laga wada shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa sharaftii Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan khudbad uu ka jeedinayay kulan dadweyne oo lagu qabtay magaalada Muqdisho sheegay in shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda aheyn kuwo hadda soo bilaawday.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: