Advertisements

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddi dhaqaalle ka soo Ururiyay Soomaalida Kenya iyo Uganda.

Madaxweynaha kulanMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Guddiga guddigii dhaqaale uruurinta ee dalalka Kenya iyo Uganda uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaadteen gurmadkii dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay dhacdadii Zoobe, waxaana uu ku ammaanay isxil qaanka ay sameeyeen.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya, ayaa culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi-gelinta bulshada iyo in ay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab.

Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale Ururrinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, iyaggoo Guddiga gurmad Qaran ku wareejiyey $350-Kun oo dollar oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-Kun oo dollar oo laga soo Ururiyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii October.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: