Xildhibaanada Golaha Shacabka oo meelmariyay Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Guddoonka BaarlamaankaBaarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa -banaan la dagaalanka Musuqmaasuqa kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannada magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa- banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana ogolaaday 141 xildhibaan, ma jirin xildhibaano diiday iyo kuwa ka aamusay intaba.

Sharcigaan ayaa waxaa horay u soo gudbisay Wasaaradda Cadaalada waxa uuna yahay mid muhiim u ah in laga hortago musuq maasuq oo ay dowladda ka socon la’aday maadaama masuuliyiinta qaarkood lagu eedeynayo.

Waxaana dhawan bilaaban doona dhismaha guddigan oo ka mid noqon doona Guddiyada madaxa banaan ee muhiimka u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

%d bloggers like this: