Deegaannada Soomaaliland oo si habsami leh uga socdaan doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedkaas.

Doorashada Somaliland.jpg1Deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa si habsami leh uga soconaya doorashada madaxweynaha, waxaana wali la arkayaa dadka oo safaf dhaadheer ku jira si ay codkooda u dhiibtaan. DAAWO SAWIRRO KALE.

Doorashada Somaliland.jpg2Waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye, WADANI iyo UCID oo ay kala hogaamiyayaan saddexda musharax madaxweyne Muuse Bixi, Carxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliland C/qaadir Imaan Warsame ayaa tilmaamay in ilaa caawa fiidkii la soo xiro doono goobaha doorashada, laakiin dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay sii furnaan doonaan ilaa dadka safafka hadda ku jira ka soo dhamaanayaan.

Doorashada Somaliland.jpg3Qabsoomida doorashadan waxaa qeyb -weyn ka qaadanaya Ardeyda Jaamacadaha oo loo tababaray in ay fududeeyaan geedi socodka doorashada iyo in dadku si dhaqse ah codadkooda u dhiibtaan

Madaxweynaha xilkiisu si dhamaanyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa codkiisa ka dhiibtay xarunta Shaqaalaha Soomaaliland isaga oo u codeeyay madaxweynihii badali lahaa.

Qeybo ka mid ah gobolka Sanaag oo lagu waday in ay ka dhacdo codeynta doorashada, ayaa lagu soo warramayaa “in aysan u qabsoomin sidii la qorsheeyay ka dib dibadbaxyo halkaas ka dhacay.

Wariyayaasha ku sugan degmada Laascaanood ayaa sheegtay in gobolka Sool si wanaagsan doorahadu uga socto islamarkaana Amniga siweyn loo adkeeyay.

Wariyayaashu waxay intaa dareen in degmada Taleex oo laga cabsi qabay in ay ka dhacaan rabashado wax dhibaato ah laga soo sheegin.

Guud ahaan marka leysku darro goobaha loogu talagalay in codadka laga dhiibto ayaa gaaraya 1, 642 goob doorasho.

SomasliSwiss        Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: