Waxaa maalmihii ugu danbeeyay soo baxayeen warar sheegaya in uu jiro weerar Al-shabaab la damacsan yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xarunta Xalane, ayaa waxaa arintaa beenisay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlaha garoonka diyaaradaha caadi u socdaan.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa warbaahinta u sheegay in wax cabsi ah ka jirin garoonka howlihiiisiina caadi u socdaan.
“Amniga Garoonku waa uu wanaagsan yahay, wax cabsi ah ma jirto, shaqada sideeda u socotaa, garoonka habeen iyo maalin ayuu shaqeeyaa, Sabti kasta shir looga hadlayo amniga garoonka ayaa qabanaa”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
Dhinaca kale Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde Cabdi Ashkir Jaamac ayaa sheegay in si gaar ah loo xiray qeybta Xalane ee Garoonka isaga oo sababtay ku sheegay ballaarinta iyo dib u habeynta ku socta garoonka.
Ammaanka xarunta Xalane oo saldhig u ah ciidamada AMISOM iyo Safaaradaha Ajnabiga ayaa siweyn loo adkeeyay kaddib markii uu soo baxay warku saabsan uu jiro weerar Al-shabaab qorsheynayaan in ay ka fuliyaan xarunta Xalane iyaga oo adeegsanaya gadiid ay horay uga qabsadeen ciidamada AMISOM.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.