Yaa diidan nabadda Soomaaliya, gaar ahaan Caasimada.

Ninka Soomaaliga ah ee Nairobi ka dhistay guri 6 ama 7 dabaq ah oo ay ugu taalla 50 flat oo midkiiba loogu jiro kiro dhan 500 oo doollar oo haddii Soomaaliya xasilooni ka dhacdo gurigiisa laga guurayo nabad ma rabaa?

Ninka Furihii isgaarsiinta ku shaqeysta ee hawadii Soomaaliya heysta ee hadalka aad ku hadleysid mobile kaaga lacag u yahay ee ka baqaya in dawladdu kala wareegto nabad ma rabaa?

Ninka badeeca canshuur la aan ama mid dhacday soo geliya dalka ee ku lacageystay dawlad la aanta, filayana in haddii dawladdu xoogeysato sharcigu shaqeynayo nabad ma rabaa?

Shirkadaha diyaaradaha ee xujeyda ka qaata 4000 ilaa 5000 oo doollar ee dadkaas xujeyda xoolahooda sida jajuubka ah ku cuna ee sidaas ku hela lacagta xad dhaafkaa haddii xasilooni timaadana ay macquul tahay in lagu soo xajiyo 1000$ ama ka yar, kuwaasi iyaguna nabad ma rabaan?

Hoggaamiye goboleedka horjoogaha u ah dhowr gobol ee loogu wanqalay madaxweyne ayaad tahay ee u qaraab taga dawlaha carabta ee soo helo boorso doollar ah ee Dubai ama Nairibi gurya ka dhista ilmihiisuna dibadda wax ugu bartaan nabad ma rabaa?

Inta gacan ku dhiigla ah inta takana qabto oo sharciga ka baqeysa inta guri dawlo ama mid dadweyne ku jirta inta beer islaameed heysata, inta xaaraan ku noolka ah nabad ma rabaan?

Intaasi marka loo fiiriyo bulshada inteeda kale ma dhama 20% ayagaana nabaddii iyo dawladnimadii hortaagan ee Soomaaliyeey indhihiinna fura iskana qabta tuugada waaweyn iyo kuwa yar yarba.

One Response

  1. Runtada waaye intaas ayaa wadanka qaseeso

    Liked by 1 person

Comments are closed.

%d bloggers like this: