Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa daah furay shirka wadatashiga wasaaradaha arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo gobolka Banaadir.
Shirkan oo loogu magac darray Hanaanka Qaran ee Wadajir ahaa waxaa furay wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya waxaana uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.
Waxaa ka qeybgalaya kulanka wasiirrada arrimaha gudaha maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir oo qeyb ka ah shirka.
Mudada uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa wada shaqeynta u dhaxeysa u dhaxeysa DF iyo Maamulada dalka jira iyo sidoo kale baahinta maamulka dowladnimadda.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.