Advertisements

Dowladda Jabuuti oo ciidamo cusub u sii direysa dalka Soomaaliya.

Ciidamada jabuutiXukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamo kale oo cusub u soo direyso Soomaaliya, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgalka midowga Africa AMISOM.

General Zakariye Sheekh Ibraahim taliyaha ciidamada militariga Jabuuti ayaa sheegay Ciidamadan ay u soo dirayaan Soomaaliya ka codsatay dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay si gaar ah uga howlgali doonaan magaalada Cadaado.

Ciidamadan ayaa soo dhameystay tababar in muddo ah u soconayay, waxaana dhawaan ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay uga sii gudbi doonaan Cadaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaan booqasho ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya, oo uu kala soo hadlay sidii garab looga siin lahaa dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab.

Jabuuti waxaa Soomaaliya ka jooga Kumannaan Askari oo ka howlgal deegaannada kala duwan ee gobolka Hiiraan, iyaga oo saldhigooda ugu ballaaran Soomaaliya ku leh magaalada Beledweyne.

SonaliSwiss  Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: