Booliska Jubaland oo soo bandhigay nin ku eedeeysnaa Kufsi ka dhacay Boosaaso.

 KufsiWaxaa C/qaadir Warsame Axmed oo ku eedeeysnaa in 27-ka bisha October, ee sanadkan uu kufsi u geeystay gabar lagu magacaabo Fa’izo Max’ed, kana soo baxsaday deegaanada Puntland, islamarkaana mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Kismaayo ayay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Jubaland.

Kufsi.jpg1Eedeeysanaha ayaa saaka lagu soo bandhigay xarunta Booliska Jubaland, ayadoo saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in ay u suurogashay in ay ninkani gacanta ku dhigeen kadib markii ay heleen xog ah in uu yimid Kismaayo.

Taliyaha Booliska Jubaland COL Mudane Cabdi Naasir ayaa sheegay in ninkani uu ku jiro gacanta Booliska Jubaland ayna u gudbin doonaan dhanka Puntland, si halkaasi loogu maxkamadeeyo.

Hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka iyo qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay falka kufsiga ah ee loo geeystay gabadhaasi Soomaaliyeed, wallow ilaa hadda aysan maxkamadi xukun ku ridin eedeeysane C/qaadir Warsame Axmed.

SonaliSwiss  Jubbaland

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: