Advertisements

Afhayeenka Golaha shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

jawaari.jpg1Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,  Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya, Veronique  Lorenzo oo ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ku qotoma xaaladdaha dalka.

arrimaha ay ka wada hadleen Guddoomiyaha iyo Safiirku, waxaa ka mid ah dhameystirka Dastuurka Qaranka iyo sidoo midowga Yurub uu door muuqda uga qaadan lahaa guddomiye jawaari ayaana u sheegay Danjiraha in dowladda Soomaaliya ay dib u eegista dastuurka ku saleyn doonto baahida iyo rabitaanka Bulshada Soomaaliyeed.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Yurub ay ka go,antahay in Soomaaliya ay la garab istaagaan taageero dhinacyo badan sida in Qubaro loo soo diro Soomaaliya iyo taageero maaliyadeed intaba si dastuurka loo dhameystiro.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mr Jawaari, ayaa sidoo kale la kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska u Qaabilsan Soomalaiya oo uu kala hadlay sidii dowladda Britain usii kordhi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

SonaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: