Advertisements

Magaalada Muqdisho oo maanta lagu soo gabagabeeyay Shirkii looga hadlayay hormarinta Tamarta dalka.

TamartaMagaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Shirkii looga hadlayay hormarinta Tamarta dalka.

Shirkaas oo ahaa mid u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, Ganacsato iyo deeqbixiyeyaal oo labo cisho ka socday magaalada Muqdisho, ayaa ayaa ugu danbeyntii leysku afgartay qodobo dhowr oo ay ugu muhiimsan yihiin in la helo siyaasad iyo sharci jaangooynaya horumarka Tamarta, in la helo shirkadihii fulin lahaa howshaas, in la helo maal-gelin gudaha iyo dibedda ah iyo qorshe gundhig u ah horumarinta Tamarta.

Cabdiqaadir Rafiq, Madaxa mashruuca deegaanka iyo Tamarta ee hey’adda UNDP waxaa uu warbahinta Dowladda u sheegay in mashruucan uu wax badan u tari doono shacabka Soomaaliyeed, ayna ku faraxsan yihiin qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay shirkooda.

Wasiirada iyo xubnaha kale ee matalayay maamul goboleedyada dalka ayaa si wada jir ah u tilmaamay in qodobada ka soo baxay shirka ay dhamaantood yihiin kuwa loo baahnaa, ayna diyaar u yihiin dhinacooda in ay dhaqan geliyaan.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa shirkan qeyb ka ahaa waxayna dhankooda sheegeen in ay soo dhaweynayaan qorshaha lagu horumarinayo Tamarta wadanka.

Hanaanka dhalinta Tamarta dalka ayaa ah mid Matoor oo marka laga soot ago in uu qiimo ahaan sareeyo yeelan kara saameyn kale.

Mashruucan oo ay maalgelinayaan Hay’addaha iyo dalalka Soomaaliya taageera ayaa loo qorsheeyay in uu socdo Shanta Sano ee nagu soo foolka leh, horumarinta Tamarta dalka ayaana ka mid ah waxyaabihii looga hadlay shirkii London ee bishii May la qabtay.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: