Advertisements

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar oo Doha ku kulmay.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa caasimadda dalka Qatar ee Doha kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Abdullah Bin Nasser  Bin Khalifa Al Thani.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay amniga gobolka gaar ahaan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto argagixisada iyo sidii dowladda Qatar ay uga geysan lahayd gacan xooggan, iyadoo la taageerayo hey’adaha Sirdoonka iyo nabaddeynta dalka.

Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul wasaaraha Qatar dhacdooyinkii foosha xummaa ee dhacay 14-kii October iyo 28-kii bishaas  ee ay argagixisada ku gummaadeen dad maato ah, waxa uu sheegay in hey’adaha Amniga Soomaaliya ay dedaal xooggan ugu jiraan sidii loo hirgelin lahaa Istaraatiijiyad ay nabad-diidku uga caaganaan doonaan caasimadda, si xasillooni buuxda loo gaaro.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Abdullah Bin Nasser  Bin Khalifa Al Thani, ayaa wasiirka Amniga uga tacsiyeeyey dhibaatadii dalka ka dhacdey, waxa uu ballanqaadey in dowladda Qatar ay diyaar u tahay taageero dhaqaale iyo mid lagy xoojinayo hey’adaha amniga Soomaaliya si muuqatana ay uga qeyb-qaadaneyso ciribtirka Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa inta uu Doha jooga la kulmay guddoomiyaha guud ee Amniga Qatar oo ay isla garteen arrimo ay ka mid yihiin in meel cad  looga soo wada jeesto dhibaatada gobolka ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah.

Advertisements
%d bloggers like this: