Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose in dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe lacag dhan hal million oo dollar ah .
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah [Berri] si toos ah lacagta ay balanqaaday dowladda loogu soo shubi doono Akoonka guddiga Gurmadka Qaranka.
Sidoo kale waxaa lacago ku deeqay qaar ka mid ah maamul gobolleedyada oo dhaqaale ay iska oo ururiyeen sheegay in ay ku wareejinayaan guddiga howlan u gurmashada dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Zoobe.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Qaraxii Zoobe ay ka danbeeyeen sida uu hadalka u dhigay dad bulshada Soomaaliyeed ka tirsan oo raba ayuu yiri in shacabka la baabi’iyo, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka intaba in loo istaago sidii arintaan looga hortagi lahaa.
SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.