Roob mihigaan ah ayaa ka da’day inta badan gobollada dalka , sidoo kale Roobabkan ayaa la sheegay in si isku mid ah ay uga da’een guud ahaan Soomaaliya.
Roobkaan oo ahaa mid Xooggan ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ka da,ay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka iyo duleedkeedaba.
Roobkaan oo bilowday abaare afartii habiinimo ee xalay si xooggan kaga da,ay Magaalada iyo deegaanada duleedka ka ah Caasimadda Muqdisho sida Gobolada Shabeelooyinka,
Roobka dayrta ayaa ka curtay inta badan Gobolada Dalka sida Gobolka Gedo,Hiiraan,Galguduud,Mudug,Shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe.
Hasayeeshee Roobkaan xalay ka da,ay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka ayaasaamayn ku yeeshay dadka Barakacayaasha ah ee ku jira Kaamamka ku yaalada Magaalada iyo deegaanada duleedka ka ah.
Dadka ku nool Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo gaadiidka ka dhexe shaqeeya degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa saaka inta badan hakad ku jira Maadaama uu magaalada ka socdo Roob xooggan.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.