Advertisements

Madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada Somalia oo maanta hortagay xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya.

MadaxweynayaashaMadaxweynayaasha Maamul gobolleedka qeybta ka ah dowladda federaalka oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta hortagay mudanayaasha Aqalka sare.

Madaxweynayaasha.jpg1.jpgUgu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay  Abshir Maxamed Axmed guddoomiye Koowaad ee gollaha Aqalka sare.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Aqalka Sare ay matalaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyaga halkaas ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Madaxweynayaasha.jpg2Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday shir ay la lahaayeen madaxda dowladda federaalka oo looga wada hadlayay xiriirka ka dhaxeeya dhameynta khilaaf waayadii ugu danbeeyayba taagnaa, waxaana ay wada jir u soo saareen war-murtiyeed lagu qeexay qodobada lagu heshiiyay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: