Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo sheegay inuu muhim yahay Saldhigga militari uu Turkiga ka dhisay Somalia.

Safiirka Somalia TurkiyaDanjiraha Somaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jamac Cabdullahi Moxamed ayaa Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Sabah ku sheegay in Saldhiga millateri ee turkiga uu ka furay Muqdisho in uu bilow u yahay dhismha Dowladnimada Soomaaliya

Waxaa uu sheegy in Saldhiggan uu ka qeyb qaadan doono dhismaha ciidamada Qaranka  Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray in waqtigaan uu muhiim u yahay geedi socodka Dowladnimada ayna ku faraxsan yihiin Xaruntan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in iskaashiga labada dhinac uu ku socda si dardar leh, waxaana uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee taageero u fidiyay Soomaalida markii uu dhacay Qaraxii 14 bisha October ka dhacay Muqdisho.

“Waxaan kale oo aan la ilaawi karin marna booqashadii uu Racep Dayip Ordogan  uu ku tagay Muqdisho sanadkii 2011 markaasi oo ay dalka ka jirtay macluul, waxaa ay ahayd booqasho aan caadi aheyn, waxa ayna meesha ka saartay fikradii ahayd in aan la tagi karin  Muqdisho, waxii markaasi ka dambeeyay waa la booqanayaa Dalka” ayuu yiri Safiirka.

Xerada Tababarka Ciidamada waxaa ka soconayaa tababarka  Kumaannaan ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa loogu talagalay difaaca Qaranka Soomaaliya,Xeradan Turkiga uu ka furay Muqdisho waxaa lagu tiriyaa Xaruntii ugu weyned ee uu ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa.

Marka laga soot ago Saldhiga Turkiga waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay mashaariic horumarineed  oo ay ka mid yihiin hirgalinta Goobo Waxbarasho, Dhismaha Waddooyinka iyo Xarumo Caafimaad.

SomaliSwiss      Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: